Obama oo ka hadlay doorka Maraykanka ee Ebola

Madaxweyne Obama ayaa ammaan u jeediyay hawlwadeenada caafimaadka iyo dadka sida iskooda ah uga qayb qaadanaya la dagaalanka cudurka Ebolaha ee waddamada Galbeedka afrika ee u dhashay dalkiisa.

Kal hore oo maanta ah, hay'adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobey ee W.H.O ayaa sheegtay in faafidda cudurka Ebola ee dalka Liberia uu haatan gaabis yahay.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay aqalka Cad ee mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in arrintani ay sabab u tahay doorka hawlwadeenada caafimaad ee mareykanka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurkaasi.

Madaxweyne Obama waxa uu sidoo kale sheegay in uu rumeysan yahay in gebi ahaanba faafidda cudurkani Ebola la joojin doono. Madaxweyne Obama waxa uu yiri 'Waxaa magaalada Monrivia ee dalka Liberia sii laba jibaarmaya qaababka wanaagsan ee loo aaso meydadka' .

Image caption Obama waxa uu amaanay shaqaalaha caafimaadka ee dalkiisa