Hogaamiyaha Burkina Faso oo "xilka sii haynaya"

Lahaanshaha sawirka ap
Image caption Burkina Faso oo ay ka dhacayeen dibadbaxyo lagu doonayo in uu isku casilo madaxweynaha

Madaxweynaha Burkina Faso Blaise Compaore ayaa sheegay in uu awoodda sii hayn doono muddo hal sano ah oo uu hogaamin doono dowlad ku meel gaar ah, kaddib maalin ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxyo watay rabshado oo lagu dalbanayay inuu iscasilo.

Xilli sii horreysayna, dibadbaxayaal ayaa waxa ay ka caroodeen isku dayga madaxweynaha uu ku doonayay inuu ku sii kordhisto 27-ka sano ee uu xilka hayay, iyagoo dab qabadsiiyay baarlamaanka iyo dhismayaal ay leedahay dowladda.

Mr Compaore ayaa sheegay inuu awoodda wareejin doono markii ay dowladda ku meel gaarka ah ay u dhamaato mudada 12-ka bilood ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu meesha ka saarayo xukunkii degdega ahaa ee uu kal hore ku dhawaaqay.

Bayaanka uu horay u soo saaray Mr Compaore ayaa waxa uu ugu baaqay milateriga inay fuliyaan xukun degdeg ah.

Arrintan ayaa waxa ay timid kaddib shir jaraa’id oo uu abaanduulaha ciidammada qalabka sida Janaraal Honore Traore, uu kaga dhawaaqay in la kala diray xukuumadda.