Boko Haram: Heshiis la ma aanan gelin Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda mitidiinta ah ee Boko Haram ee Dalka Nigeria ayaa beenisay in ay heshiis xabad joojin ah la gashay dowladda Nigeria.

Xukuumadda Nigeria ayaa todobaadyo ka hor shaacisay in ay xabad joojin la gashay Boko Haram.

Vidiyow cusub ayey kooxda soo saartay, Afhayeenka kooxda oo ka soo muuqday vidiyowgana waxa uu sheegay in la guursaday dhamaan gabdhihii ka badnaa 200 ee ay kooxda afduubay bishii afraad ee sanadkan.

Gabdhahaas oo laga afduubay Waqooyi Bari ee Dalka Nigeraia, ayaa kooxda Boko Haram waxa ay sidoo kale sheegtay in ay gabdhahaasi qaateen diinta Islaamka.

Boqolaal dumar ah ayey kooxdan ka afduubatay dalka Nigeria tan iyo 2009-kii.