Dagaalyahanada Kurdiyiinta ''oo u talaabay Kobane''

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waxa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid boqol iyo kontonka dagaalyahano ee Kurdiyiinta ah ee ka soo duulay Ciraaq ay ka talaabeen xuduudda Turkiga oo ay galeen Magaalada Kobane ee Suuriya.

Dagaalyahanadan ayaa waxa ay doonayaan in ay xoojiyaan Kurdiyiinta Magaalada Kabone ka difaacaya Kooxda Daacish.

Dowladda Turkiga ayaa markii hore is hortaagtay in ay u ogolaato in dagaalyahanada Kurdiyiinta ay ka talaabaan xadkeeda oo ay ku biiraan dagaalka ka socda Magaalada Kobane, balse waxay u muuqataa in ay arrintaas ogolaatay kaddib markii uu ku yimi cadaadis caalami ah, gaar ahaan markii uu cadaadis saaray Maraykanka.