Daacish oo qabiil ku laysay dalka Ciraaq

Lahaanshaha sawirka
Image caption I-S ayaa horey loogu eedeeyay inay dad rayid ah ku xasuuqeen dalka Ciraaq

Saraakiisha dalka Ciraaq ayaa sheegaya in xoogagga dowladda Islaamka ay si wadar ah u dileen qabiil dega gobolka Anbar.

Saraakiisha ayaa sheegaya in kooxda ay si saf ah u dileen ugu yaraan 50 dumar iyo rag ah oo ka soo jeeda qabiilka Albu Nimr, kaddib markii ay diideen amar ka soo baxay ciidamada I-S.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in inkabadan 30 mayd laga helay meel si wadar ah loogu aasay.

Qabiilka Albu Nimr, ayaa dagaal kula jiray mintidiinta I-S muddo isbuucyo ah, balse lacagta, rasaasta iyo cuntada ayaa ka dhammaatay taas oo dhalisay inay sii wadi waayaan dagaalka.

Ciidamada Ciraaq Ayaan awoodin inay gaaraah gobolka Anbar oo ay caawiyaan dadkaasi.