Askar lagu laayay waqooyiga Kenya

Image caption Kala dhaca lo'da ayaa ku badan deegaanka Turkana

Wararka ka imaanaya waqooyiga dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan todobo askeri.

Askarta waxaa weeraray malleeshiyo beeleed, waxaana weli lala’yahay 17 askeri oo kale.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Turkana, halkaasi oo ciidamadan ay ka fulinayeen howlgal, waxaana lagu qaaday weerar qaadmo ah.

Deegaanka Turkana iyo qeybo ka mid ah Waqooyiga Kenya waxaa markastaa ka dhaco weeraro noocan ah.

Dadka deegaanadaasi degan oo u badan xoolo dhaqato waxay kala dhacaan lo'da, taas oo dhalisa in ciidamada ay howlgallo sameeyaan.

Xilliyada abaaraha ayaa la sheegaa inay sare u kacdo dhaca lo'da, iyadoo mararka qaar weerarada ay geystaan dablay ka timi dhanka Itoobiya.