Haweenay lagu xiray dalka Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka Getty

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in la xiray haweenay qareen ah, kaddib markii ay qoraalo ay soo dhigtay boggeeda twitter-ka loo arkay in ay yihiin kuwa aflagaado ku ah diinta Islaamka.

Haweenaydan oo la yiraahdo Souad al Shammary ayaa waxa ay u ololayn jirtay in xuquuq dheeraad ah la siiyo dumarka sacuudiga.

Waxa ay noqotay qofkii ugu horeeyey oo dumar ah oo loo ogolaado in ay difaacdo kiisaska maxkamadaha dalka Sacuudiga.

Waxa lagu soo waramayaa in su’aalo la weydiinayo.

Waxay boggeeda Twitter-ka ku qortay qoraalo la sheegay in ay ku tilmaamtay hoggaamiyaasha diinta islaamka in ay yihiin munaafiqiin.