Dadka British ka ah oo loo digay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dadka reer UK ayaa dalal badan oo caalam ka ah u safra

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa dadka British ka ah uga digaya inay u safraan dalalka dibadda.

Xafiiskaasi ayaa sheegay in dadkan ay wajahaayaan halis weeraro oo ka dhasha oo jawaab u noqdo weerarada ka dhanka ah dowladda Islaam ka oo Britain ay ka qeyb galayso.

Waxa ay cusbooneysiiyeen talooyiinka safarada dhammaan dalalka caalamka ay ku tagayaan dadka British ka ah, waxaana loo sheegay inay feejignaan muujiyaan.

Diyaaradaha militariga Britain ayaa ka mid ah xulafada reer galbeedka iyo carabta ee la dagaallamaya Khilaafada Islaamka, kuwaas oo dhul aad u ballaaran ka haysta Suuriya iyo Ciraaq.