Mucaaradka Burkina Faso oo ku baaqay Dibedbax

Lahaanshaha sawirka AP

Xisbiyada mucaaradka iyo ururada madaniga ee dalka Burkina Faso ayaa axada maanta ah ugu baaqay shacabka dalkaassi in ay isgu soo baxaan dibed baxyo lagu diidanyahay miletariga awooda la wareegay kaddib markii Madaxweynihii hore uu is casilay.

Waxay doonayaan in xilliga kala wareega uu noqdo mid ku salaysan demoqaraadiyad.

Sabtidii, ciidanka dalkaasi ayaa waxa uu taageeray Lieutenant-Colonel Zida in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.

Colonel Zida waxa uu ka tirsanaan jiray ilaalada Madaxweynihii hore.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xilliga kala guurka uu noqdo mid ay hoggaamiyaan shacabka, laguna saleeyo heshiis.