Pakistan: Ilaa konton ku dhimatay qarax

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gurmadka qaraxa Pakistan.

Boliiska Pakistan ayaa sheegay in qof is qarxiyay uu dilay konton qof, meel u dhow xuduuda Hindiya. Toddobaatan kale ayaa ku dhaawacmay oo qaar ka mid ah ay aad u daran yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay habeenimadii markii hoos loo dhigayay calanka xuduuda Wagah ee u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya.

Wariyaha BBC ee Pakistan ayaa sheegay inay tahay meel uu taageero badan ku leeyahay Ra'iisalwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, weerarkana uu gaar ahaan murugo ku hayn doono dowladda.