Jabhaddaha Ukraine oo doorasho qabtay

Lahaanshaha sawirka Other
Image caption doorashadan ayaa ku soo hagaagtay xili xaaladdu kacsan tahay

Qolyaha taageersan Ruushka ee jooga bariga Ukraine ayaa qabanaya doorashooyin ay reer galbeedku si cad ugu sheegeen in ay yihiin ''sharcidaro''.

Codbixinta Madaxwayne-nimada iyo tan baarlamaanka ayaa lagu qabtay labada deegaan ee isku magacaabay jamhuuriyadaha oo kala ah Donetsk iyo Luhansk.

Ukraine, Maraykanka iyo Midawga Yurub waxa ay sheegeen in aysan aqbalaynin doorashadaasi laakiin Ruushka ayaa taageeray.

Ugu yaraan todobo kamid ah ciidammada Ukraine ayaa la dilay tan iyo Jimcihii iyada oo dagaalo baahay ay ka socdaan gobolkaasi.

Gobolada Donetesk iyo Luhansk ayaa galay gacanta qolyaha gooni u goosashada raba kadib bilo ay dagaalo ka wadeen bariga Ukraine, dagaalkaas oo istaagay markii ay heshiiskii xabbad joojin ah ay ku galeen caasimadda Belarus ee Minsk jabhaddaha iyo dawladda Ukraine.

Hogamiyeyaasha mucaaradku waxa ay sheegeen in ay daabaceen saddex milyan oo waraaqada cod bixinta ah kuwaas oo ah kuwo si toos ah loogu soo dooranayo Madaxwayneyaal iyo baarlamaan.

Gudoomiyaha gudiga doorashada ee Donetsk ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in doorashadani ay muhiim tahay ayna sharciyad siinayso xukunkooda iyo ka sii fogaanshaha Xukuumada Ukraine.