Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baydhabo:"Dowladda ha dayso faragalinta"

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed kowdii bishan November, ayaa looga dalbay in xubnaha golaha u xilsaaran dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ay wada tashi u yimaadaan magaalada Muqdisho. Isla markaas inta wada tashigaasu socdo uu sii socon doono shirka Baydhabo balse wax tallaabo ah aan loo qaadi karin dhamaystirka dastuurka iyo doorasho la qabto.

Maamulayaasha shirka Baydhabo ayaa ku adkaysanaya in shirku sii socdo, isla markaana hadda laga doodayo qodobada dastuurka, waxayna dawladda ka codsadeen in faragalinta laga daayo shirka.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa taleefoonka ku waraystay gudoomiyaha shirka Sheekh Xasan Ibraahim Xasan, wuxuuna waydiiyay halka uu shirku marayo.