Itoobiya iyo masar oo ka hadalaya Nile

Lahaanshaha sawirka
Image caption Biyo xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar ayaa ku saxiixi doono heshiis magaalada Addisababa maanta. Heshiiska ayaa loogu tala talagalay in lagu yareeyo xiisada ka dhalatay dhisita biyoxireenka Itoobiya ee wabiga Nile si looga dhaliyo koronto.

Itoobiya ayaa sheegaty markii la dhameeyo dhismaha biyoxireenka Grand Renaissance, oo ay ku baxayso balaayiin dollar inay Itoobiya ka faa'iidaysan doonto. laakiin Masar ayaa aaminsan inuu ka xayiri doono biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo ah meesha ay ka hesho biyaheeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Sameh Shukri, ayaa sheegay xalinta muranka inay dan u tahay labada wadan.