Xildhibaano Kay ka dalbaday raaligelin

Xildhibaannada Soomaaliya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xildhibaannada qaarkood ayaa ka carooday hadalka Nicholas Kay

Qaar kamid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa ugu baaqay ergayga qaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, in uu raaligelin ka bixiyo eedeyntii laaluushka ku saabsanayd ee uu ka hadlay.

Nicholas ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xildhibaanada oo loo soo bandhigay lacago laaluush ah si ay u taageeraan cod kalsoonida lagagala noqonayo Rai'sal wasaaraha Soomaaliya.

Ergaygu waxa uu sheegay in khilaafka soo kala dhex galay Rai'sal wasaaraha iyo Madaxwaynaha uu halis galinayo horumaradii ay dawladda Soomaaliya ka gaartay dhanka nabadda iyo xasiloonida.

Dhanka kalena qaybo kale oo xildhibaanada ah ayaa sheegay in arrinta uu ergaygu Qaramada Midoobay ka hadlay ay tahay arrin jirta loona baahan yahay in wax laga qabto.