Dad Quraanka "aflagaadeeyay" oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waa masiixiyiin bannaanbax dhigay maanta

Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku qeexay arrin fool xun oo aan la aqbali karin, dilka lamaane Masiixiyiin ahaa oo dad badan ay ku dileen meel ku dhow magaalada Lahore.

Waxa uu sheegay dal masuuliyad qaaday inuusan aqbali karin dil goobasho ah ama dad badan ay ka qeybgaleen.

Lamaahan oo la sheegay inay da'yar ahaayeen ayaa shalay oo Talaado ahayd la garaacay illaa ay ka dhintaan, taas oo ay ka qeybgaleen boqollaal qof oo ku nool deegaan yar oo ku yaalla dalka Pakistan, oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Lahore.

Lamaanahan ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen kitaabka Quraanka kariim ka ah.

Maanta, qiyaastii 200 oo qof oo ah dad masiixiyiin ah ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Lahore, kuwaas oo ka careysnaa tallaabada dilka ah, waxayna dalbadeen in isbedel lagu sameeyo sharciyada aflagaadeynta diimaha ee dalkaasi.