UN: Waa wax badan in laga qabto Ebola

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shaybaar lagu baarayo Ebola

Mas'uulka Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka cudurka Ebola, Tony Banbury, ayaa u sheegay BBC in aanu weli haysan awood uu cudurka kaga adkaago.

Mr Banbury ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Qaramada Midoobay ee la dagaalanka Ebola taasoo ku taalla dalka Ghana oo aanu hadda cudurka soo gaarin, balse deris la ah saddexda dal ee uu cudurka faraha ba'an ku hayo, waa Sierra Leone, Liberia iyo Guinea.

Tony Banbury ayaa mar dhow kasoo laabtay booqasho uu ku tegay saddexda dal ee uu sida ba'an u asiibay cudurka Ebola.

Waxa uu u mahadceliyay dalalka caalamka ee ilaa iyo hadda gacanta ka geystay la tacaallida cudurkan dilaaga ah, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in gargaar dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay.

Tirada dadka ilaa iyo hadda u dhintay cudurka Ebola ayaa kor u dhaaftay 4,800.

Beesha Caalamka ayaa howlgalisay tobannaan kun oo ah shaqaalaha caafimaadka ee dalalka uu cudurka saameeyay, kuwaasi oo maalin waliba khatar ugu jira qaadida cudurka.

Balse tirada dadka u dhimanaya cudurka ayaa sii kordheysa, waxaana uu dhowaan gaaray dalka Mali.