Nin laga sii daayay xabsiga Guantanamo

Fawzi al-Odah Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Fawzi ayaa muddo 13 sano ah ku xirnaa xabsiga Guantanamo

Nin u dhashay dalka Kuwait oo 13 sano ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanku leeyahay ayaa dib ugu soo noqonaya dalkiisa kaddib markii la sii daayay.

Fawzi al-Odah ayaa ka mid ahaa maxaabiista waqtiga ugu dheer ku xirnayd xabsiga Mareykanka uu ku leeyahay Cuba.

Hadda waxaa la geynayaa xarunta dhaqan celinta milateriga ee Kuwait.

Garyaqaankiisa ayaa sheegay in uusan qabin wax xumaato ah oo la xiriira xiritaankiisa, oo uu ku faraxsanyihay in uu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Mr al-Odah ayaa laga qabtay waqqooyiga Pakistaan iyadoo lagu eedeeyay in uu xirriir dhaw la lahaa Ururka Al-qaacida.

Madaxweyne Obama weli ma hirgelin balanqaadikiisii hore ee ahaa in uu xirayo xabsiga Guantanamo Bay.