Boko Xaraam oo dad kala baxday xabsiyada

Ciidammada Nigeria
Image caption Ciidammada Nigeria ayaa la dagaallamaya kooxda Boko Xaraam

Dowlada Nigeria ayaa sheegtay in shantii sano ee u dambaysay ay xabsiyada dalka ka baxsadeen maxaabiis gaaraysa 2000 kaddib weerarro ay kooxda Boko Xaram ku qaadeen xabsiyada dalkaasi.

Sidoo kale waxaa la dilay askarta xabsiyada ilaalinaysay halka kuwo kalena ay baxsadeen.

Kooxda Boko Xaraam ayaa waxay jebiyeen dhamaan darbigii xabsiga Kogi state isbuucii la soo dhaafay iyagoo halkaasi ka saaray maxaabiistii ku jirtay.

Ururka Boko Xaraam ayaa dhawaantan qabsaday dhwor magaalo oo ku yaalla woqooyiga Nigeria, waxaana jirta cabsi ah inay ku sii fidaan halkaasi.