Qaraxyo ka dhacay marinka Qaza

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Gaari uu watay nin weeraray Yahuudda Qudus

Waxaa jiro warar sheegaya in dhowr qarax laga maqlay marinka Qaza.

Masuul ka tirsan xafiiska madaxweynaha Falastiiniyiinta ee Maxamudd Cabbas ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay guriyaha hogaamiyayaasha xisbiga madaxweynaha.

Fayez Abu Eytta ayaa sheegay in qofna uusan waxba ku gaarin qaraxyada oo ahaa ku is xigxigay.

Waxa uu sheegay in gaarigiisa uu ku burburay mid ka mid ah qaraxyada, sidoo kalena ay waxgaareen laba guri oo ay degan yihiin saraakiisha Fatax ee Marinka Qaza.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarada oo ku soo beegmay xilli ay sare u keceyso qilaaf kala dhexeeya ururka Xamaas.

Dhanka kale nin Israa’iili ahaa oo six un ugu dhaawacmay weerar arbacadii ka dhacay magaalada Qudus aya dhintay.

Qof kale ayaa weerarkaasi ku dhintay sided kalena way ku dhawacmeen, waxaana fuliyay nin watay gaari xawaare aad u dher u socday oo jiirsiiyay iyagoo marayay qad tareenada laga raaco oo mara bariga magaalada Qudus.