Dadka taajir ka ah "oo aan farxin"

Image caption Odayaasha Afrika ayaa ka farxad badan kuwa Yurub iyo US

Dadka ayaa farxadda waayo marka ay gaaraan da’da dhexe- balse waa keliya haddi aad ku nooshahay waddamada barwaaqa sooranka ah, sida laga soo xigganayo khubarada.

Sida ay sheegeyso xogta sahanka adduunka, qoraayaasha xarunta Lancet ayaa sheegay in ay cilmi baaris ku ogaadeen in farxada nolosha ay raacsantahay saadaalin cusub oo laga sameeyay meelaha dadku ay ku nool yihiin.

Dalal oo badan oo ay ka mid yihiin, Boqortooyada Ingirriska iyo Mareykanka, ayaa waxaa farxada nolasha helo dadka da’da dhexe ah.

Afrika gudaheeda ayaa la sheegay in ay badan tahay dadka farxadda hela, iyada oo beriga yurub, iyo midowgii Soviet iyo Laatin Amerika uu hoos u dhacdo Farxadda.

“Sababaha ka danbeeyo arrintaan ayaa laba jibbaaran adagna, balse waxaa jiray sharaxaado dheeraad ah oo macquul ah sidoo kalena ahaa casharo muhiim ah oo la bartay” waxaa sidaas sheegay Prof Andrew Steptoe, oo bare ka ah jaamacada London, iyo saaxiibadiisa.

Warbixintooda ayaa waxa ay qeyb ka tahay warbixino taxana ah oo caafimad iyo da’da ku saabsan, taas oo lagu daabacay Lancet, iyada oo ka digeysa sare u kaca cudurada daba dheeraado iyo hoos u dhaca heerka farxada ee dadka da’da ah.

Qanacsanaanta

Cilmi baarayaasha ayaa isticmaalay xog afar sano la uruurinaya, taas oo sooo qaadatay saami ka mid ah tirada dadka ku nool dunidda, si ay ugu saleeyaan qiimeyntooda.

Sidoo kalana waxa ay qiimeynayeen caafimaadka jirta iyo xanuunka, waxayna diiradda saareen seddax baaris oo ku saleynsan caafimaadka.

  • Qiimeynta - sidee ayey dadku ugu qanacsanyihiin noloshooda.
  • Dareenka Caafimaad – dareemaha ama isbedelka qofka muuqaalkiisa sida farxada, murugada iyo carada.
  • Xukminta nolasha caafimaad ee qofka – xukminta macnaha iyo ujooddooyinka nolosha

Dadka ku nool dunnida qeybteeda dhanka bariga, qanaacadda nolosha ayaa waxa ay billaabataa inta u dhexeyso da’da 45 ila 54 ka hor inta aysan sare u kicin.

Cilmi baaraha Angus Deaton, ee Jaamacda Princeton ee dalka Mareykanka, ayaa sheeegay in loo baahan yahay in arrintaan ay sharaxaan dhaqaalyahanada.

“Tani waa xilliga heerka mushaarka ay sax ahaan billaabato, waqtigan ayaa sidoo kale ah xilliga ugu fiican ee la shaqeeyo lana helo waxa ugu fiican ee heerka lacagaha wanaagsan, sidaas darteed ayey hantida ay u wanaagsanaataa oo ay korortaa marka danbe ee nolosha”, ayuu yiri cilmi baarahan.

Waddamada ku yaala Sahara Afrika, farxada nolosha ayaa mihiimadda la siiyaa, halka walbahaarka iyo walaacana uu aad ugu badan yahay.

"Warbixinadaan ayaa shaki la’aaan waxa ay muujinayaan khibradaha haatan ka jiro gobolka iyo walaaca ay arrintaan ku keentay dadka da’da ah eek u nool dalalka galbeedka.” Sidaa waxaa sheegay Prof Deaton.

Prof Steptoe ayaa isagana sheegay in farxada aysan la xirriirin lacagta, lacagtana aysan keeni karin farxad, balse badqabka iyo caafimaadka ayaa farxad laga helaa.