APEC oo sameynaysa shabakad lagula dagaalamo musuq maasuqa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waa astaanta urur goboleedka APEC, oo ka soo muuqata shaashad la dhigay goob ay shir ku lahaayeen

Dalalka ku yaal Aasiya iyo Badweynta Pasific-ga, oo ay ka midka yihiin Shiinaha iyo Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay inay si dhaw uga wada shaqeyn doonaan dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa.

Hogaamiyayaasha urur goboleedka APEC, ayaa qorsheynaya markii ay todobaadka soo socda ku kulmaan magaalada Beijing, inay sameeyaan waxa ay ugu yeereen shabakad ka hortagta musuq maasuqa ilaalisana baraxtirnaanta adeegyada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in wadammada ay wadajir uga shaqeyn doonaan dib u helidda hantida sida sharcidarrada ah dibadda loogu dhoofiyay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa isna sheegay in heshiiskan uu yahay mid aad muhiim u ah.