Arday Mexico lagu laayay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Baaritaanka meydadka ardayda

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mexico ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu rumeysan yahay in loo dilay 43 arday oo intii mudo ahba la la'aa. Ardayda ayaa ka soo jeeday magaalada Iguala.

Shirka jaraa'id ee uu qabtay xeer ilaaliye Jesus Murillo Karam, ayuu sharaxaad kaga bixiyey macluumaadka uu xafiiskiisa ka helay qaabka lagu afduubay 43-da arday.

Waxa uu sheegay in habeenimadii 26-ka September ardayda lagu xiray saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Iguala, kaddibna lagu wareejiyay koox burcad ah oo lagu magacaabo Guerreros Unidos, kooxdaasi oo ka howlgasha magaalada dariska ah ee Cocula.

Markii ardayda lagu wareejinayay kooxdaasi waxaa meyd ahaa 15 ka mid ah oo u dhintay naqaska oo ku dhagay, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha.

Ardayda soo hartay ayaa lagu toogtay afaafka hore ee magaalada weliba goob qashinka lagu qubo.

Warbaahinta ayaa waxaa loo soo bandhigay muuqaal muujinaya kooxdaasi oo gubaysa meydadka ardayda.

Kooxdaasi burcadka ah ayaa maalintii labaad u soo laabtay haraadiga meydadka, waxa ayna ka buuxiyeen sideed bac oo waaweyn kaddibna waxa ay ku tureen webi halkaa ku yaalla.

Kooxaha meydadka baara ee dalalka Mexico iyo Argentina oo ka shaqeynayay goobta dilalka lagu fuliyay ayaa helay haraadiga jir bani'aadan.

Haraadigaasi ayaa hadda waxaa baaritaan kuwado khubaro u dhalatay dalka Austria, waloow uu Mr Murillo Karam sheegay in aysan cadeyn muddada uu qaadan karo baaritaankaasi.

Ilaa iyo hadda 74-qof ayaa loo xiray arrintaasi waxaana booliska ay raadinayaa dad badan oo kale.

Dhinaca kale qoysaska dhalay ardaydaasi ayay u badan tahay in aanay rumeysan qaabka ay dowladda u soo bandhigtay macluumaadkaasi.