Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cadale oo gargaar u baahan

Degmada Cadale ee gobolka Shabeelada Dhexe oo dhawaan lagala wareegay Alshabaab ayaa waxaa la sheegayaa inay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay adeeg caafimaad oo aan halkaa ka jirin.

Markii ugu horreysay muddo lix sanno kaddib ayaa koox caafimaad oo ka socday Hey'adda CCA oo ka tegay Muqdisho waxa ay gaareen dagmadaasi, kuwaas oo daryeel caafimaad u fidiyay in ka badan 300 bukaan ah.

Waxa ay howlwadeennadaasi caafimaad sheegeen in kaalmada halkaa ay gaarsiiyeen aaney wax badan gaarin dadkaas, marka loo eego baahida caafimaaad ee ay qabaan iyaga oo ku baaqay in dadkaasi loo gurmado.

Warbixntan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyha BBC Maxamed Ibrahim Macallimuu.