Spain: Catalonia oo afti qabanaysa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saldhigyada codaynta.

Dadka reer Catalonia ee waqooyi bari Spain ayaa qabanaya afti aan rasmi ahayn ee ay ku dooranayaan inay xor ka noqdaan Spain iyo in kale.

Dadka codaynayaa ayaa saf u galay saldhigyada codaynta. Dadka ayaa kala dooranaya inay rabaan gobol Catalan ah iyo inay rabaan gobolka inuu noqdo mid madaxbanaan.

Garsoorka Spain ayaa codaynta ku tilmaamay mid sharci daro ah laakiin hogaamiyaha Catalan, Artus Mas, ayaa ka digay in la isku dayo joojinta codaynta. Maxkamadda dastuurka ee Spain ayaa joojisay qorshe lagu qabanayo codayn afti madaxbanaani. Ra'iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy, ayaa sheegay in codaynta aysan wax saamayn ah ku yeelanayn gobolka.