Ra'iisalwasaaraha Yemen oo la dhaariyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Yemen Khalid Bahah.

Ra'iisalwasaaraha cusub ee Yemen iyo golaha wasiirada ayaa lagu dhaariyay guiriga madaxweynaha ee magaalo madaxda Sanca. Waa talaabadii ugu danbaysay ee lagu doonayo in lagu xaliyo dhibaatada siyaasadeed ee Yemen.

Khalid Bahah, oo bishii hore loo magacaabay inuu Ra'iisalwasare noqdo ayaa sheegay inuu xushmayn doono cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee lagu soo rogay Madaxweynihii hore, Cali Cabdalla Salax, iyo laba hogaamiye mucaaradka Xuutiga ee Shiicada ee qabsaday magaalo madaxda Sanca bishii Sebtember.

Markii lagu dhawaaqay cunaqabataynta Jimcihii, waxay keentay kala qaybsanaan iyadoo Xuutiga ay sheegeen inay diideen dowladda cusub markii la magacaabay.