Iiran iyo reer galbeedka oo aan heshiin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Iraan iyo wakiilka EU

Laba maalin oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay Iran, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa natiijo la’aan gabagaboobay, iyadoo ay sii adkaaneyso heshiis laga gaaro barnaamijka Nukliyarka xukuumadda Tehran.

Saraakiisha seddaxda dhinac ayaa ku kulmay dalka Cumman, laba isbuuc ka hor xilliga kama dambeysta ah ee la doonayo in heshiis gaaro si looga hortago dhismaha nukliyarka Iiran.

Wadahadallada ayaa sii socondoona maalin kale oo aan horey loo sii qorsheynin, iyadoo ergada sare ay iskudeyayaan inay sii laba-jibbaaraan fursadaha loogu guuleysan karo heshiis lawada gaaro 24-ka bishan November oo ah xilliga kama dambeysta.

Xubnaha sare ee shirk ka qeybgalaya ayaa si taxadar leh u jawaabayay xilligii ay galayeen kalfadhigii ugu dambeeyay oo albaabada ay u xirnaayeen.

“Ugu dambeyntii halkaasi waan gaaray”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Javed Zarif, “si adag baan u shaqeyneynaa”, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry dhankiisa tilmaamay.

Ergada Mareykanka Ayaan ka hadlin kullanka illaa iyo hadda, balse xubin sare oo u hadlay Iiraan waxa uu tilmaamay in wadahadallada hormaro yar laga gaaray, welina ay kala arakti duwanaan ay jirto.

Arrinta ugu adag ee laga hadlay ayaa ah bacriminta macdanta Uranium-ta ee Iiraan iyo jadwalka cunna qabateynta.

Dowladaha ugu quwadda badan reer galbeedka ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in Iiraan aysan haysanin awoodda ay ku sameysato hubka nukliyarka, balse waxa ay sheegayaan inay aqbalayaan inay hagaajisato barnaamij xaddidan oo ujeedooyiin nabadeed ku dhisan.