Hogaamiyaha IS Al-baqdadi oo "dhaawacmay"

Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Hogaamiyaha xoogagga Khilaafada Islaamka Abubakar Al-baqdadi

Waxaa jirto warar sheegaya inuu dhaawacmay hogaamiyaha xoogagga dowladda Islaamka ee Ciraaq Abubakar Albaqdadi.

Wasiirka difaaca ee Ciraaq ayaa sheegaya in Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhaawacmay weerar ay qaadeen ciidamada xulafada ah ee uu Mareykanka hogaaminayo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay dhacday kaddib weerar lagu qaaday kullan ay la haayeen hogaamiyayaasha I-S oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Mosul maalintii Jimacaha ee aan ka soo gudubnay.

Balse militariga Mareykanka waxa uu sheegayaa inaysan jirin warar arrintaasi la xiriira oo dowladda Ciraaq ay u soo gudbisay.

Afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa tilmaamay inaysan xaqiijin karin in al-Baghdadi uu joogay goobta Markii xulafada ay duqeynayeen nawaaxiga magaalada Mosul.