Israel: Askari mindi lagu weerarary

Lahaanshaha sawirka
Image caption Weerarka Tel Aviv ee askariga.

Boliiska Israel ayaa sheegay in nin reer Falastiin uu mindiyeeyay askari Israel ah meel u dhow saldhig tarin magaalada Tel Aviv.

Boliiska ayaa sheegay inay xireen nin reer Falastiin oo ka yimid Nablus ee Daanta Galbeed. Arrintan ayaa dhacday iyadoo ay jirto xiisad iyoo weeraro kordhaya.

Maalmihiii la soo dhaafay carabta Israel ayaa dhagaxyo ku tuurayay boliiska dhowr xaafadood oo carabta degan tahay, kadib markii boliiska dileen nin carab ah oo mindi u soo qaatay.