Israel: Qof lagu dilay mindi

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Weerarka mindida ayaa ah kii labaad ee dhaca maanta.

Hal dumar oo reer Israel ayaa ku dhimatay mindi Daanta Galbeed, saacado kadib markii askari lagu dhaawacay magaalada Tel Aviv ee Israel.

Labada weerar ayaa la aaminsan yahay inay ka danbeeyeen Falastiiniyiin.

Ra'iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa balanqaadayinuu qaadayo talaabo kasta oo lagu joojiyo weerarka.

Falastiiniyiinta xanaaqa falastiiniyiinta ayaa siii kordhay tan iyo weerarkii Israel ay ku qaaday Qaza, qorshe ay Israel ku dhisanayso dhulka ay haysato ee Bariga Jerusalem iyo cida xaqa u leh inay ku tukato Masaajidka Al Aqsa.