US oo ciidan dheeraad ah geyneysa Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mareykanka ayaa hogaaminaya howlgal ka dhan ah Daacish

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1500, oo asker American dheeraad ah loo daad gureynayo dalka Ciraaq taas oo weji cusub u sameyneysa dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamka.

Mr Obama ayaa sheegay in wejiga koobaad uu yahay in la dhiso dowlad loo dhan yahay oo lagu kalsoon yahay oo ka hana qaada Ciraaq.

Hadda taasi waa la sameeyay, waxaanu tilmaamay in isbeheysiga ka dhan ka ah Daacish ay natiijo fiican ka dhalatay.

Iyadoo qeyb ka ah howlgalka, Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay baahida ciidamada dhulka si looga saaro Daacish dalka Ciraaq.

Balse waxa uu sheegay in ciidamadan dhulka ay noqonayaan kuwa Ciraaq oo aysan ahayn Amerikan.

Hadalkan waa kii ugu horeyay oo uu jeediyo tani iyo markii uu amray 500 oo ka mid ah ciidamada Mareykanka oo ka qeybgalaya howlgalka Ciraaq, ujeedada Mr Obama ayaa ah in la ballaariyo tababarada la siinayo ciidanka Ciraaq

Ciraaqiyiinta ayaa sheegay inay hormaro ka sameeyee dagaalka ka socdo magaalada waqooyiga ku taalla ee Bayji, iyo warshdaha saliidda oo ay ka qabsadeen dagaal yahaniinta I-S.

Haddii ay sidaas sameeyeen waxaa loo arkayaa guul istiraatiijiyadeed, sababtoo ah kooxda jihaaddoonka ah ayaa la sheegayaa inay malaayiin dollar ka heleen suuq madow oo ay ku iibinayeen saliidda halkaasi.