Tobaneeyo Shil Baabuur ugu dhimatay Pakistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Goobtii uu ka dhacay shilka oo ay ka muuqdaan baskii iyo gaarigii ku dhacay iyo kooxaha gurmadka

Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhimatay gudaha waddanka Pakistan kaddib markii ay madaxa isla galeen bas iyo gaari kuwa xamuulka qaada ah.

Shilkan ayaa waxa uu sababay in uu qarxo taangiga shidaalka gaariga kaddibna uu dab qabsado baska.

Qof ka shaqeeya howlaha badbaadada ayaa ka warramay sida ay ugu suuragashay inuu galo gaariga gubanayay misana uu badbaadiyo gabar yar.

Inta badan dadkii halkaa ku dhintay ayaa ahaa haween iyo carruur.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Khairpur, ee ka tirsan gobolka koonfurta ee Sindh.

Booliska ayaa shilka ku sababeeyay inuu ka dhashay hawada oo xumeyd iyo xowlo ay ku socdeen gawaarida.

Guud ahaanna dad badan ayaa sanadwalba shil baabuur ugu geeriyooda gudaha Pakistan.

Sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in darawaliinta aanay ka taxadarin wadida gawaarida iyo wadooyinka oo aanan la dayac tirin.