Fadhiga baarlamaanka oo buuq ku dhamaaday

Image caption Midig Madaxweyne Xasan Sheekh, Bidix Ra'iisulwasaare Cabdiweli Sheekh

Fadhiga baarlamaanka Soomaaliya ee looga doodi lahaa mooshin ka dhan ah ra'iisalwasaahara ayaa buuq ku dhamaaday.

Mooshinka oo ay dhawaan soo gudbiyeen xubno ka tirsan baarlamaankanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida loogu qaadi doonaa xukuumadda Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka.

Ciidamo badan ayaa la geeyay meelaha ku dhaw dhaw dhismaha baarlamaanka ka hor doodda mooshinka.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf dhawaan soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Deeqbixiyayaasha iyo bulshada caalamka ayaa ka digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto oo kaliya qalalaase iyo daganaansho la'aan siyaasadeed oo hor leh.

Mareykanka ayaa durbadiiba qaaddacay shir heer sare ah oo ay ka qeybgali doonaan madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo lagu wado in todobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Copenhagen, ee dalka Denmark.