Taliye militari oo dil ka badbaaday

Ciidammada dowladda
Image caption Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira Al-Shabaab

Taliye sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa dil ka badbaaday kaddib markii lagu weerary meel u dhexeysa Baraawe iyo Marka.

Ciidammo wada socda oo ah kuwa dowladda iyo Amisom ,oo uu la socday Gen Maxamad Rooble Gobaale, ayaa weerarka lala beegsaday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay iyagu weerarkaasi gaysteen.

Ciidammada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa dhowr toddobaad ka hor qabsaday magaalada Baraawe, oo Al-Shabaab ay dhowr sano ay ka talinayeen.