MSF oo tijaabinaysa daawooyinka Ebola

Ururka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegay in uu tijaabin doono saddex dawo oo ay suuragal tahay in loo isticmaalo cudurka Ebola, tijaabadaasi oo uu ka sameyn dono xarumo caafimaad oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Howlwadeenno caafimaadka oo ku sugan Galbeedka Afrika ayaa la siin doonaa laba dawo oo ka hortaga cudurka iyo weliba diig laga qaaday dad ka badbaaday Ebolo.

Dawooyinkaasi oo uu ansixiyay ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa looga gol leeyahay in dadka uu cudurka ku dhaco ay bad baadaan 14-ka maalmood ee ugu horreeya cudurka, kuwaasi oo muhiim u ah noolashooda.

MSF ayaa sheegeysa in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka lagu doonayo in lagu helo dawo wax ka tari karta cudurka, kaasi oo ilaa hadda dad ay tiradooda ka badan tahay 5 kun ku dilay dalal ka tirsan galbeedka Afrika.