Ukraine oo diyaar u ah dagaal

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption NATO iyo Ruushka ayaa aad ugu muransan qalalasihii ugu dambeeyay ee Ukraine

Uururka gaashaanbuurta NATO ayaa ka digay in xukuumada Ruushka ay halis kutahay xabadjoojinta aan cagaha adag ku taagnayn ee bariga Ukraine waxayna ku tilmaameen in Ruushka uu si aad ah ciidammo ugu diyaarinayo halkaasi.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadda darsaya xaaladda. Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhida Maraykanka Samantha Power, ayaa eedaysay Ruushka mar kii ay xubnaha hadal u jeedinaysay.

Waxa ay sheegtay in Ruushku uu dhamaan xadkiisa u dirayo ciidammo, taangiyo, lidka diyaaradaha, iyo hanaanka difaaca diyaaradaha.

Hadalkaasi waxa uu dabo socdaa hadalo kuwaas oo kale ah oo ay jeedisay xukuumadda Ukraine oo sheegtay in ay isudiyaariyaan hawlagalo dagaal.