QM oo eedeysay daacish

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kulanyo baabuur ah oo ay wataan kooxda Dowladda Islaamiga ah

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu eedeeyay kooxda Dowladda Islaamiga ah inay bulshada Suuriya ee ku nool meelaha ay gacanta ku hayaan ay ka galayso dambiyo dagaal.

Warbixintan oo ay soo saareen baarayaasha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa lagu saleeyay in ka badan 300 oo qof oo goobjoogayaal ah, iyo weliba muuqaalo iyo sawirro oo ay kooxda laftigeeda soo dhigtay baraha internet-ka.

Warbixintu waxa ay leedahay kooxda Dowladda Islaamiga ah, waa koox aad u agaasiman oo bulshada ku qasbaysa mabaadii'deeda si ay guul u gaaraan mustaqbalka fog.

Warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ku tilmaantay in ragga lagu qabto iyagoo dhuuqayo sigaar faraha laga jaro, halka haweenka aan si wanaagsan u labisan la garaaco.