Shirka G20 oo weli socda

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Shirka G20 waxa ahareeyey xiisada Ukrain

Kulan ay leeyihiin waddamada la isku yiraahdo G20 ayaa la filayaa in ay ku heshiiyaan bartilmaameedyo cusub si ay isugu dayaan dhaqaajinta dhaqaalaha adduunka.

Kulankani ayaa waxaa hareeyay muran dhanka diblomaasiyadda ah oo waddamada reer galbeedka kala dhexeeyay dalka Ruushka, kaasi oo ku saleysan colaadda ka taagan dalka Ukraine.

Kooxda G20 ayaa sanadkii 2008-dii loo aasaasay in hoggaamiyeyaasha caalamka ay xal u helaan mushaakilka dhaqaale ee caalamka ka taagan.

Maanta kooxdani ayaa ka arrinsanaya qorsheyaal lagu dhaqaajinayo dhaqaalaha caalamka ee sii xumaanaya.

Waxaana arrimaha laga wadahadli doono ka mid ah tallaabooyin cusub oo lagu kobcinayo dhaqaalaha boqolkiiba laba, tiradaasi oo ka badan intii hore loo saadaalinayay sanadka 2018-ka.

Tallaabadani ayaa ah mid aad ugu wanaagsan dhaqaalaha waddamadani ku bahoobay ururkani G20, kuwaasi oo la daalaa dhacaya dhaqaalaha oo yaraaday amaba kobac dhaqaale oo aad u yar.

Su'aasha ugu weyn ayaa waxa ay tahay waxa uu ururkani dhab ahaantii ku heshiin doono si uu u gaaro waxa uu doonayo