Iran: Garsoore shaqada laga joojiyay

Lahaanshaha sawirka MEHR
Image caption Saeed Mortazavi ayaa lagu eedeeyay jirdil maxaabiis inuu amray.

Garsoore mayal adag oo reer Iiraan ah ayaa laga mamnuucay dhammaan xarumaha dowladdda muddo 5 sano ah.

Maxkamadda sare ayaa ku raacday xukun ay soo gaartay maxkamad hoose sanadkii la soo dhaafay. Maxkamadda ayaa ku heshay Saeed Mortazavi in uu masuul ka ahaa jir dil ay u dhinteen ugu yaraan 3 ka mid ahaa dibad baxayaal mucaarad ah sanadkii 2009-kii.

Saeed Mortazavi ayaa ahaa Garsoore aysan jecleyn kooxaha isbadel doonka ah ee Iiraan. Waxay ku eedeynayaan in uu masuul ka ahaa dhimasho iyo jirdil xabsi loogu geestay qaar ka mid ah mucaaradka iyo dibadbaxayaal.

Waxa uu door muhiim ah ka qaatay garsoorka sanadkii 2003-dii, markaa kaddibna waxaa loo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Tehran sandkii 2009-kii.

Waqtigaas dowladda ayaa si xoog ah u joojisay dibad baxyo ay dhigayeen arday kuwaas oo ka soo horjeeday in dib madaxweyne loogu doorto Mahmoud Ahmadinejad.

Ugu danbeyntii ayaa dib maxkamad lasoo saaray sanadkii la soo dhaafay, isaga oo lagu eedeeyey in uu amray jir dil loo geystay 3 ka mid ah dibad baxyaal ku dhintay xabsiga.