Milatariga Nigeria oo la wareegay Chibok

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Chibok ayaa ah magaalada laga ay Boko Xaraam gabdho iskuul jooga ka afduubeen.

Ciidamada Nigeria ayaa sheegaya in Chibok ay hadda si buuxda uu u sugan yahay ammaankeeda, kaddib markii ay dib u qabsadeen gelinkii dambe ee Sabtidii.

Tobaneeyo gawaari Milatari ah ayaa la arkay ayaga oo ku sii wajahan magaalada si ay ugu qaadaan howlgal ballaraan oo looga soo horjeedo kooxda Boko Xaraam.

Oday madax u ah mid ka mid ah qowmiyadaha halkaasi daga ayaa sheegay in ciidamo ay ku geedaaman yihiin Chibok, si ay uga hortagaan xoogaga jihaad doonka ah in ay baxsadaan iyadoo sidoo kalana xubna ka tirsan kooxda maxaliga ee mutadawaciinta ah ay galeen magaalada.

Waxaa jira warar ah in dagaalyahano badan oo Boko Xaraam ka tirsan la dilay.

Milatariga ayaa si cad u sheegay in ahmiyadooda ay tahay dib u qabshada Chibok taas oo ay gacanta ku hayeen 48-saacdood kooxda Boko Xaraam.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxda Boko Xaraam ay weli joogaan tuulooyinka u dhow magaalada, waxa ayna leeyihiin weli goobta ammaan ama aha.

Nin soo socday seddex maalin si uu u gaaro meel nabadoon kaddib weerarkii Boko Xaraam ayaa u sheegay BBC-da in qoyskiisa aysan dib ulaabaneynin.