Proshenko: Bariga ha laga joojiya adeegyada dowladda

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Amarka madaxweyne Proshenko ayaa la filayaa in uu sii adkeeyo caaladda ka jirta bariga dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa soo saaray amar lagu joojinaayo dhammaan adeegyada dowladda sida dhaqaalaha ay dowladda siiso cusbitaalada iyo iskuulada deegaanada ay mucaaradka maamulaan ee bariga dalkaasi.

Waxa uu soo saaray wareegto uu si rasmi ah uga codsanaya baarlamaanka in uu gobolada Donetsk iyo Luhansk ee uu mucaaradka maamulo kala noqdo qadarinta gaarka ah ee ay dowladdiisa siiso.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in boboladaasi ay ka go’een dalka intiisa kale.

Madaxweyne Poroshenko ayaa ugu baaqay bangiga dhexe ee Ukraine in uu albaabada u laabo dhammaan adeegyada bangiyada ee qaybaha dalka uu mucaaradka haysto.