Shariif Xasan Adan oo la doortay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Shirka Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kadib markii ay ka baxeen afar murashax oo la tartamayay.

Ergada shirka koonfur Galbeed ee wax dooranaysay waxa ay ahayd 396 xubnood.

373 ayaa u codaysay Shariif Xasan Sheekh Aden 15 way diiday halka 8-na ay ka aamuseen.

Sidaas ayuu ku noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed ee saddexda gobol.