Khilaaf hareeyay shirkii Baydhabo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Shirka Baydhabo

Magaalada Baydhabo sida lagu wado waxaa maanta ka dhacaysa doorasho la sheegay in lagu dooranayo madaxweynaha maamulka sadaxda gobol ee koonfur galbeed. balsa sida uu sheegayo mid ka mid gudiga qaban qaabada shirka arimo farsamo oo taagan dartood waxaa laga yaaba ain doorashadu ay dib u dhacdo

Musharaxiin ilaa lix ah ayaa lagu soo waramaya ainay doorashadaasi u taagan yihiin.waxaa ka mid ah afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Adan

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isna saaka sheegay in dowladu aysan aqoonsan doonin wax walba oo doorashada Baydhabo ka soo baxa. horay ayay dowlad war rasmi ah uga soo saartay shirka Baydhabo oo ay ku sheegtay in la hakiyo si wada tashi dheeraad ah loo sameeyo.

Sidoo kale Baydhabo waxaa ku sugan Madoobe Nuunoow oo isna aaminsan maamul lix gobol ah