Shiinaha oo laba jibaaraysa maalgalinta Iran

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dhismaha dhuun qaada shidaalka.

Shiinaha ayaa kordhinaysa maalgalinta mashruucyada Iran iyadoo gaarsiinaysa $52 bilyan halka ay ka ahayd markii hore $25 bilyan, sida ay warbixinta sheegtay iyadoo soo xiganaysa wasiir ku xigeenka tamarta Esmail Mahsouli.

Biyaha, korontada, saliida shidaalka, iyo gaaska ayaa ka faa'idaysan doona lacagta, ayuu sheegay Mr Mahsouli.

Iran ayaa Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga waydiinaysa maalgashi iyadoo Yurub iyo Maraykanka ay ku soo rogeen cunaqabatayn ku aadan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Maraykanka ayaa cunaqabatayn dhaqaale oo buuxda ku soo rogay, halka Midowga Yurub ay atkeeyeen cunaqabatayntooda 2012-kii, xaga tamarta iyo Bangiyada.

Maraykanka, Midowga yurub iyo waddamo kale ayaa ka shakisan Iran inay samaysanayso hub nukliyeer ah.

Iran ayaa sheegaysa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid ay tamar ku samaysanayso.

Waxay la kulmaysaa hogaamiyayaasha caalamka si loo gaaro heshiis barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wakiilada wadaxaajoodka ayaa toddobaadka danbe ku kulmaya Viena, intaan la gaarin waqtiga loo qabday in heshiis laga gaaro ee 24 November.

Maraykanka ayaa sheegay inay xayiraada ka qaadi doonto $2.8 bilyan oo Iran ay leedahay, hadii Iran ay sii wado in 20% uraniyamka ay tayaysay ay u rogto shidaal.