Sharif Xasan oo loo doortay madaxweynaha saddexda gobol

Sharif Xasan Lahaanshaha sawirka other
Image caption Sharif Xasan Sheekh Adan ayaa loo doortay madaxweynaha koonfur galbeed

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay Madaxweynaha Konfur Galbeed Soomaaliya kaddib markii ay tanaasuleen afar murashax oo la tartamaysay.

Sharif Xasan ayaa helay 373 cod oo ka mid ah ergadii shirka ka qeybgashay.

Waxaa diidday inay Shariifka u codeeyaan 15 ruux, halka 8-na ay ka aamuseen.

Ergada shirka Koonfur Galbeed ee wax dooranaysay waxa ay ahayd 396 xubnood.

Sharif Xasan ayaa sidaas ku noqday madaxweynaha maammulka Koonfur Galbeed ee saddexda gobol.