14 Wasiir: Ra'iisaul wasaaraha ha iscasilo

Madaxda Soomaaliya
Image caption Khilaafka madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaraha ayaa muddo soo jiitamayay

Ugu yaraan 14 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku baaqay inuu iscasilo ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiiradan, ayaa warqad u qoray ra'iisalwasaaraha, waxayna ku sheegeen warqadda in loo baahan yahay inuu xilka ka dego si loo xalliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda.

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku fashilmay inuu yeesho fadhi looga doodi lahaa mooshin ka dhan ah ra'iisalwasaaraha kaddib markii tiro ka mid ah xildhibaanada ay hor istaageen laba kulan oo mooshin ka dhan ah ra'iisul wasaaraha lagu dhagaysan lahaa, iyadoo ku buuqay,sitayna boorar iyo firimbiyo, marna qaadayay heesta calanka Soomaaliya. Waxay ku doodayaan in mooshinku sharci darro yahay. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka.

Arrintan, ayaa salka ku haysa khilaaf dhowaan soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Deeqbixiyayaasha iyo bulshada caalamka ayaa ku baaqay in wadaxaajood siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka madaxda sare ee dowladda.