Cayaaraha Qaramada Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Xulka qaranka ee dalka Nigeria

Kooxda difaacaneysa koobka ee Nigeria waxa ay noqon doontaa mid u baahan inay u soo baxdo wareegga ugu dambeeyay ee u suurta gelin karta inay ka qeybgasho ciyaaraha koobka qaramada Afrika ee 2015-ka, waxayna ciyaari doontaa kullanka u harsan ee lixaad ee tartamada.

Toban dal ayaa illaa iyo hadda u soo baxay ciyaaraha oo la qaban doono 17-ka Janaayo illaa 8-da bisha Febraayo ee sanadka soo socda, ciyaarahaas oo lagu qabanayo dalka Equatorial Guinea, shan dal oo dheeraad ah ayaa ku soo biiri doona taas oo ka dhigeysa in 15 dal ay tartamada qaramada Afrika ay ka qeybgalaan.

Ololaha Nigeria waxaa hareeyay dhibaatooyiin sababay inay halis u galaan inay ka haraan ciyaaraha oo ay difaacan kari waayaan koobka ay haystaan.

Kullankooda ugu dambeeya ee ciyaaraha ay ugu soo baxayaan, waxa ay wajahayaan South Afrika oo kol hore u soo baxday tartamada kaddib markii 2-0 ay kaga badiyeen Congo.

South Afrika ayaan laga badin shan kullan oo ay ciyaareen si ay ugu soo baxaan ciyaaraha qaramada Afrika.

Balse tababaraha kooxda Bafana Bafana ayaa ka walwalsan waxa ku sugaya magaalada koofurta kutaalla ee Uyo.

Dalalka kale ee wada ciyaaraya waxa ay kala yihiin, Ivory Coast waxa ay foodda gelin doontaa Cameroon.

DR Congo ayaa la kulmeysa Sierra Leone, Etoobiya waxay la ciyaareysaa Malawi, Mali waxay wajeheysaa Algeria.

Waxaa kaloo is arkaya Ghana iyo Togo, Guinea iyo Uganda, Niger iyo Mozambique, Zambia oo ay is arkayaan Cape Verde, Sudan waxa ay is arkayaan Congo.

Burkina Faso iyo Angola ayaa wada ciyaaraya.

Gabon waxa ay arkeysaa Lesotho. Dalalka kale ee ciyaaraya si ay ugu soo baxaan tartamada qaramada Afrika ee 2015-ka waxaa ka mid ah Senegal oo Botswana ciyaar adag la yeelan doonta iyo Tunisia oo Masar wajeheysa.