Booliska Hindia oo weeraray macbad

Image caption Booliska oo jooga halka uu isku dhaca ka dhacay

Meydadka afar haween ah iyo cunug ayar ayaa loo dhiibay booliska gobalka Haryana, ee dhaca waqooyi bari dalka India, halkaas oo ay shalay ka dhaceen isku dhac u dhaxeeya taageerayaasha wadaad muran dhaliyay oo hindi ah iyo booliska.

Xaallada ayaa weli kacsan.

Haweenay kale ayaa ku dhimatay Isbitaalka, waloow aysan weli cadeyn waxa sababay dhimashada.

Boqolaal boolis ah ayaa waxa ay isku geedaameen xarunta wadaadkan oo la yiraahdo Rampal Maharaj, iyaga oo sii wado howlgalada ay is kugu dayayaan in ay ku soo qabtaan wadaadka.

In kabadan 10,000 oo qof ayaa ka cararay xaruntaasi, kaddib markii uu halkaasi ka dhacay isku dhaca.

Qaar ka mid ah dadka halkaasi ka cararay ayaa ku eedeeyeen wadaadka iyo taageerayaashiisa ay ku qasbeen in ay u noqdaan gaashaan ay isaga dhigaan rasaasta.

Qaar kalana waxa ay sheegeen in loo sheegay in aysan banaanka u bixin hadii kale booliska ay rasaas ku furaya.

Meydadka cunuga iyo afarta haweenka ayaa loo dhiibay booliska ayaga oo isku dayayay in ay weeraraan xarunta.

Haweeneyda shanaad oo ku jirtay xarunta ayaa ku dhimatay Isbitaalka.

Baaritaan caafimaad ayaa lagu sameeyay meydadka hase yeeshee ilaa hadda lama xaqiijin waxa sababay dhimashadooda.

Ku dhowaad 200 oo qof ayaa ku dhaawacmay isku dhaca.

Maamulka ayaa sheegay in ilaa iyo kumanaan qof ah ay weli ku jiraan gudaha xarunta wadaadkaasi.

Booliska ayaanan weli helin halka uu ku sugan yahay Rampal Maharaj.

Waxa ay isku dayayeen in ay soo qabtaan, waxaana laga doonayaa maxkamada waxaana loo heystaa eedo la xiriira dil, laakiin marar badan oo maxkamada ay u yeeratay ayuu ka dhaga adeegay.