Masjid kale oo ay booliska weerareen

Lahaanshaha sawirka afp
Image caption Booliska kenya oo guddaha ugu jira masaajid

Hubka laga helay masaajidka, ayaa waxa ka mid ah bambooyin, bamka laga sameeyo petrolka iyo dhowr baangad.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay halkaas ka heleen qoraalo lagu dhiira gelinayo xagjirnimada.

Madaxa booliska ee deegaanka Kisauni ee magaalada Mombasa Richard Ngatia, ayaa sheegay in masaajidka ay dhawaan la wareegeen dhalinyaro xagjiriin ah.

Weerarka maanta lagu qaaday masaajidka ayaa daba socda weeraro kale oo ay isniintii booliska ku qaadeen masaajidada Musa iyo Sakina.

Sedexda Masaajid ayaa hadda la xiray oo aysan dadka isticmaali Karin.

Wasiirka ammniga ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in weerarada masaajidada ee la rumeysan yahay in ay gabaad u yihiin xagjirta, la sii wadi doono ilaa ammaanka magaalada Mombasa laga sugayo.

Wadaadada Islaamka ah ayaa waxa ay canbaareeyeen weeraradaasi lagu qaaday masaajidada, waxa ayna sheegeen in arrintaasi ay ku sii riixi doonto dhalinyarada xeebta in ay noqdaan xagjiriin.