Qaramada Midoobey oo eedeysay W/Kuuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Woqooyiga Kuuriya waxa uu muran kala dhexeeyaa mareykanka iyo koonfurta.

Guddiga xaquuqul insaanka ee qaramada midoobey ayaa meel mariyay qaraar ugu baaqaya golaha ammaanka in uu xaaladda adag ee xaquuqul insaanka dalka Kuuriyada woqooyi loo gudbiyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Warbixin uu soo saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan qaramada midoobey ayaa kal hore sanadkan shaaciyay in xaaladda xaquuqda aadanaha ee kuuriyada woqooyi ay aad u liidato.

Warbixinta ayaa sheegtay in hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un uu wajahi karo cunaqabatayn.

Shiinaha iyo Ruushka oo labaduba leh awoodda codka diidmada qayaxan ayaa ka hor imaaday qaraarkaasi.