Shir looga hadlayo Isbadalada cimlada oo ka socda Berlin

Image caption Isbadalada Cimilada

Dalalka ugu qanisan adduunka ayaa maanta ku shiraya caasimada Jarmalka ee Berlin, si ay ugu tabarucaan lacago ka saacidayo dalalka faqiirka ah sidii ay isugu diyaarin lahaayeen isbedelka cimilada adduunka.

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinka loo qaadayo sidii heshiis cusub looga gaari lahaa xakameynta isbedelka cimilada adduunka.

In ka badan 20 dal ayaa laga codsaday in ay ku deeqaan 10 bilyan oo dollar, si dalalka soo koraya looga caawiyo maalgashi ay ku samaystaan tiknoolajiyada casriga ah iyo tamar aan hawada wasakheynaynin.

Ilaa iyo hadda 14 dal ayaa la ogyahay in ay ballan qaadeen lacagaha laga codsaday, Qaramada Midoobayna waxa ay rajeyneysaa in 9 bilyan oo dollar lagu ururin doono shirka maanta dhacaya.